Hay’adda NAGAAD Network ayaa maanta kusoo gabagabaysay Magaalada Berbera kulan hawleed ay u qabatay qaar kamid ah Cuqaasha gobolka saaxil. Kulankan ayaa wuxuu daarranaa in Cuqaashu ay ansixiyaan hablaha musharaxiinta ah ee gobolka Saaxil u sharaxan doorashooyinka Golaha wakiillada iyo Golaaha deegaanka.
Cuqaasha ayaa dood dheer ka dib isku raacay in habluhu xaq u leeyihiin in ay u tartamaan golayaasha wakiillada iyo deegaanka, sidoo kalena waxa ay taageero buuxda u muujiyeen hablaha ka sharaxan deegannadooda.
NAGAAD waxa ay u taagan tahay sidii ay u garab istaagi lahayd hablaha musharaxiinta ah iyo in haweenku si buuxda uga qayb galaan talada dalka.
Qaar ka mida cuqaasha oo ka hadlaya kulanka waxa ay yidhaahdeen