+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

80 Ka Mida Haweenka Ka Ganacsada Suuqa Waaheen Ayaa…

80 ka mida haweenka ka ganacsada, ganacsiyadda yar-yar ee suuqa Waaheen ee Magaaladda Hargaysa ayaa dhamaystay 6 bilood oo ah habqoraalka Soomaaliga iyi Xisaabta, mashruucan oo ay taageertay NAGAAD oo kaashanaysa Hay’ada OXFAM oo bixinaysay mushaharka macalimiinta.

Qorshahan ayaa waxa uu qayb ka ahaa barmaamijka wax barashadda Hooyooyinka ee Hibo iyo Haween oo ay hal abuurtay Hibo-Nuura.

Gabogabadii ayaa waxa munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta NAGAAD lagu gudoonsiiyey Hooyooyenkaa Shahaadooyin iyo qalab iyo sidoo kale xoogaa kharasha oo ay ku sii horumariyaan ganacsigooda oo ay taageeradaas u fidisay NAGAAD oo kaashanaysa Ha’yadda OXFAM.

Author: Ismail