+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

WAR-MURTIYEED

Ku socota: Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Soomaalilaan

Haddii aanu nahay haweenka Jamhuuriyadda Soomaaliiland waxa aannu si weyn u salluugsannahay falka lagu takooray  in Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid ay noqoto Guddoonka arrimaha bulshada ee Golaha Wakiiladda, iyada oo ah gabadha kali ah ee metesha guud ahaan haweenka reer Soomaalilaan, marka laga tago deegaanka ay ka soo jeedo.

Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid oo intii ay ka mid noqotay golahaasi hore isugu dayday in ay hesho saddexda xubnood ee shir-guddoonka mid ka mid ah, balse wayday oo aanay u suurtogalin. Talaabadani waxa ay ku soo beegmaysaa iyada oo lagu guda jiro maalmaha xuska haweenka ee 8 March. oo ay dunidu muujiso mudnaanta haweenka iyo hawlkarrnimadooda oo ay xaq u leeyihiin in dumarka reer Soomaalilaaanna karaamadooda iyo kartidooda la muujiyo, waana ta mudnayd in la tix geliyo.

Haddaba, waxa aanu shir-guddoonka Golaha Wakiilada iyo guddi hoosaadyada ay khusayso ugu baaqaynaa in ay ka noqdaan talaabadaas ay ku kaceen. Sidoo kale waxa aannu halkan ku muujinaynaa sida aanu uga xunnahay tallabadaas iyo wakhtiga ay ku soo beegantayba.

Waxa aannu leenahay dhammaan haweenka Somaliland waxa aad dumiseen dayrrar badan oo dibin daabyo iyo uur ku taalo ku ahaa dumarkeena. Dumarkuna daawadayaal kama noqon karaan danahooda iyo danaha dalka.

Annaga oo ka faa’iidaysanayna fursadan waxa aan ugu baaqaynaa dhammaan dumarka Somaliland in ay isku duubnaadaan, danahoodahadana u istaagaan.

Ugu danbayn Ugu danbayn waxa aanu hanbalyada xuska maalinta haweenka gaadhsiinaynaa dhamaan shacabka reer Soomaalilaan, meel kasta oo ay joogaan, waxa aannu ku adkaynaynaa in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo isku duubnida.

ALLAA MAHAD LEH

Asmahaan Cabdisalaan Xasan

Guddoomiyaha Dalladda Nagaad

Author: Ismail