+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Dood-cilmiyeed Salka Ku Haysa Saamaynt Gubashadii Suuqa Waaheen

“waxaanu diirada saarnay nagaad ahaan in la milicsado haween weynihii ku ganacsanayay suuqa waaheen kuwaasi oo xogaha aanu haynaa muujinayaan in saamaynta ugu badan ay masiibadii dabku gaadhsiisay ganacsiyadoodii” NAFIISA Agaasimaha Fulinta NAGAAD

 

(Hargaysa NAGAAD) Dood cilmiyeed salka ku haysa saamaynt gubashadii suuqa Waaheen ku-yeelatay koboca ganacsiyada Haweenka ayaa maanta magaalada Hargeysa ka qabsoontay. Dood-cilmiyeedkan oo ay soo agaasintay dallada ay ku midaysanyihiin haween-weynaha dalka, ayaa hordhac u ah xuska maalinta haweekan adduunka 8thmarch, waxaa lagu lafa-guray  saamaynta taban ee musiibadaasi gaadhsiisay ganacsiyada haweenka.

Waxaana ka soo qayabgalay Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Shaqogalinta Qoyska iyo Arimaha Bulshada, haween ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta Dallada NAGAAD

Nafiisa Yuusuf Maxamed Agaasimaha Dallada Nagaad ayaa si rasmi ah munaasibada u furtay, waxaanay sheegtay in qodobo wax-ku-ool ahi ka soo baxayaankulankaasi, “waxaanu diirada saarnay nagaad ahaan in la milicsado haween weynihii ku ganacsanayay suuqa waaheen kuwaasi oo xogaha aanu haynaa muujinayaan in saamaynta ugu badan ay masiibadii dabku gaadhsiisay ganacsiyadoodii”

Kulankaasi  waxaa soo gabogabaysay, Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi dooda oo lagu lafa-gurayay cilmi-baadhis ay Dallada Nagaad ka samaysay saamaynta taban ee ka dhalatay gubashadii Suuqa Waaheen iyo aqoon-is-waydaarsi la xidhiidhay doorka haweenku ku leeyihiin ganacsiga. Wasiirada ayaa tibaaxday doorka wanaagsan ee haween-weynaha dalkeenu kaga jiraan horumarka  baaxada leh ee heer qoys ilaa heer qaran iyo sida ay kaalintoodii u guteen. Wasiiradda ayaa xustay in ay xog-ogaal u yihiin duruufaha ay haweenku ku shaqeeyaan isla markaana hadba intii awooda dawlidnimo gaadhsiisan tahay aynu talaabsanayno,waxaanay tidhi:- “wax soo saarka ugu badan ee ganacsiyada dalkeena waxa hoggaaminaya dumarka xaqiqatan manta qoysaskeena wax laf dhabar u ah haweenka dedaalada ay haweenku ku jiraan ayay ku suurtagashay in ubadkeenu waxbarashada heer dugsi ilaa heer jaamacadeed ay ka soo dhalaalaan ka xukuumad ahaana waanu ku baraarugsanahay duruufaha qalafsan eed ku shaqaysaan markii masiibadii waaheen innagu dhacday waxaanu ku dedaalnay dawlad iyo ganacsataba in aynu isku gurmano oo la is taakuleeyo si looga soo kabto intii karaankeena ahayd dallada nagaad 00 kulankan soo qaban qabisayna waanu u mahad naqaynαα” waxay sidoo kale Dallada Nagaad ku ammaantay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan garab-is-taaga haweenka dalka.

Wasiiradda ayaa dhanka kale ugu baaqday haweenku in ay cududooda mideeyaan oo ay isdoortaaan wakhtiga doorashooyinka, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa:- “Marka ay siyaasada noqotana dumaroow iskuma hiilinee aynu isku hiilino, oo dalladahaa aad ku midowdeena aynu ka codayno, ugu yaraan dhawr iyo labaatankan kun ee haweenka ah Danwadaag ku midaysan waxay soo saari karaan 6 haween ah oo golayaasha innagu metela”

Author: Ismail