+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Xuska Maalinta Haweenka Adduunka: NAGAAD Waxa Ay U Mahad-Celinaysaa Haweenka Halganka Adag Ugu Jira Sidii Loo Sugi Lahaa Xuquuqda Haweenka JSL.

Isku-xidhka haweenka NAGAAD waxa ay la dabbaal degayaan haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadda xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka. Munaasibaddan awgeed, NAGAAD waxay ugu hambalyaynaysaa haween waynaha Somaliland guud ahaan, gaar ahaan inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda haweenka, guulihi wax ku oolka ahaa ee ay ka soo hooyeen:

  1. Horumarinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka
  2. Ka qayb galka haweenka ee talada dalka
  3. Waxbarashada haweenka iyo gabdhaha
  4. La dagalalan ka iyo ka hor taga tacadiyada ka dhanka ah haweenka

NAGAAD waxay ugu mahadnaqayasaa dhammaan haweenka hormuud ka u ah halganka adag ee loogu jiro xaqiijinta dhamaystirka xuquuqda Ilaahay siiyay haweenka Jamhuuriyadda Somaliland, ee kaga maqan dhiggoodda ragga ah. Waxaan leennnahay geeddigu waa dheer yahay, jidkuna waa qodxo badan yahay, laakiin daali mayno.

Sannadkan waxa ay go’aan sadeen haweenku in awoodda la isugu geeyo sidii loo hirgelin lahaa saddexdan yool:

  1. Xaqiijinta kootada haweenka ee goleyaasha baarlamanka
  2. Fulinta xeerkii kufisga ee uu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
  3. Kobcinta dhaqaalaha haweenkii ganacsiyadooda ku waayay gubashadii suuqa waaheen.

Guntii iyo geba-gebadii, NAGAAD waxay mar labaad u mahad-celinaysaa dhammaan haweenka halganka adag ugu jira in haweenka Somaliland ay gaadhaan kaalin sare.

Author: Ismail