Abaal-Marinin Qaran ee Haweenka Warbaahinta oo Caawa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa ayaa waxa soo qabanqaabisay Dallada Isku-xidhka Haweenka ee NAGAAD Network oo kaashanaysa Hay’adda Oxfam
Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise, Agaasimmaha Guud ee Wasaaradda Distuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Ha’adda Maamulwanaaga Fadxiya Maxamed C.raxmaan Guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar C/raxmaan Warsame, Ayaanle Cabdilaahi Cali Oxfam Gender and Protection, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim, Suxufiyiin kala duwan oo ka socda warbaahinta madaxa banana iyo ta Dawliga ahba iyo martisharaf ka kala tirsan bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ugudanbayntii waxaa halkaasi lagu abaal mariyey lix Suxufi oo ka mida Haweenka Suxufiyiinta ah ee ka hawalgala Goboladda Dalka
Hablaha la abaal mariyey ayaa waxay kala ahaayeen
Yaasmiin Axmed Suusuf Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Haweenka ee WIIJA
Muuna Ibraahim Dhakhtar Xoghayaha Guud ee SOLJA
Niciima Cabdi Axmed Guddoomiyaha Caro-Edeg Media
Fadxiya Maxamed Cabdi Suxufiyad ka Hawlgasha Boorame
Cawo Maxamuud Suxufiyad ka hawlgasha Burco