+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Abaal-Marinin Qaran ee Haweenka Warbaahinta

Abaal-Marinin Qaran ee Haweenka Warbaahinta oo Caawa lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaaladda Hargaysa ayaa waxa soo qabanqaabisay Dallada Isku-xidhka Haweenka ee NAGAAD Network oo kaashanaysa Hay’adda Oxfam

Munaasibadan ayaa waxa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mustafe Cabdi Ciise, Agaasimmaha Guud ee Wasaaradda Distuurka Deeqa Cabdi Yuusuf, Agaasimaha Ha’adda Maamulwanaaga Fadxiya Maxamed C.raxmaan Guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar C/raxmaan Warsame, Ayaanle Cabdilaahi Cali Oxfam Gender and Protection, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Shaafici Maxamed Ibraahim, Suxufiyiin kala duwan oo ka socda warbaahinta madaxa banana iyo ta Dawliga ahba  iyo martisharaf ka kala tirsan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugudanbayntii waxaa halkaasi lagu abaal mariyey lix Suxufi oo ka mida Haweenka Suxufiyiinta ah ee ka hawalgala Goboladda Dalka

Hablaha la abaal mariyey ayaa waxay kala ahaayeen

Yaasmiin Axmed Suusuf Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Haweenka ee WIIJA

Muuna Ibraahim Dhakhtar Xoghayaha Guud  ee SOLJA

Niciima Cabdi Axmed Guddoomiyaha Caro-Edeg Media

Fadxiya Maxamed Cabdi Suxufiyad ka Hawlgasha Boorame

Cawo Maxamuud Suxufiyad ka hawlgasha Burco

 

Author: Ismail