+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

SIHA Network Awarded NAGAAD the Women Human Rights Defender Award

SIHA Network, a network of 136 organizations founded to strengthen women’s rights organizations in the Horn of Africa, recognized NAGAAD as this year’s recipient of the Women Human Rights Defender Award. Nagaad won this award for its advocacy on gender based violence, women empowerment, and fostering an inclusive society. Representatives from the SIHA Network and Nagaad’s senior leadership participated at the award ceremony. Yusuf Ahmed Abdi, SIHA’s Program Coordinator, talked about the challenges women’s organizations face, he said, “Even though we have a lot of social and cultural norms that undermine women’s rights, human right groups have made enormous and substantial difference in supporting and fighting for gender equality in the Horn of Africa. These organizations often face a lot of difficulties in their line of work, but they continue to relentlessly work to improve the rights of women”.

Yusuf talking about how the award was established said, “The idea to make the Women Human Rights Defender Award came about July 2020, and the first two countries to win this award are Somaliland and South Sudan. These two countries were recognized as one of the leaders advocating for gender equity and women’s development. We sent out a letter to civil society organizations asking them to nominate organizations or individuals that have made a transformational difference in defending women’s rights in Somaliland. After we received the list of nominees, NAGAAD got the most votes and nominations and therefore became the recipient of the Women Human Rights Defender award.

Nuuradiin Muxumed Caabbi, SIHA’s Somaliland Area Coordinator, also spoke at the ceremony and he said, “We are very happy to give this reward to NAGAAD as the leading women’s organization in Somaliland”.

NAGAAD’s Executive Director, Nafisa Yusuf Maxamed, thanked SIHA Network for the incredible recognition. She said, “We are very happy to have received this recognition from SIHA Network which consists of an award and a grant. Our work isn’t one that we want to receive recognition for but rather one that benefits the whole community. Neverthless, this is a great honor for NAGAAD which has been working to protect women’s rights for a long time”.

Nafisa also mentioned that NAGAAD will continue its work to advance the rights of childrena nd girls, and promote women’s education, financial stability, and agency.

NAGAAD’s Chairperson, Ismahaan Cabdisalaan Xasan, said that she is proud to have been a director at SIHA and to currently be working with the organisation as an advisor.

SIHA Oo Abaal-marin Guddoonsiisay NAGAAD Oo Ay U Aqoonsatay Inay Wax Badan Ka Qabatay Xuquuqda Haweenka

 

Hargeysa (NAGAAD) – Hay’adda SIHA oo loo aasaasay dhowrista xuquuqda Haweenka si loo xoojiyo awoodda ururrada ka shaqeeya Horumarinta Danaha Haweenka ayaa Shalay abaal-marin guddoonsiisay Daladda ururrada Haweenka Somaliland ee NAGAAD.

SIHA oo ay xubno ka yihiin 136 Ururrada Haweenka ah ee dalalka Geeska Afrika ayaa NAGAAD u soo xushay inay tahay daladda ururrada Haweenka ee wax ka badan ka qabatay Horumarinta Haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda iyo u dooddistoodaba, si meesha looga saaro dhibaatooyinka ay ka mid yihiin Gudniinka, Kufsiga, sidoo kalena ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen Go’aammada siyaasadeed ee saamaynaya deegaannada ay ku nool yihiin.

Abaal-marinta la guddoonsiiyey NAGAAD oo sannadkan ay SIHA u qaadatay Magaca ah Abaal-marinta Difaacayaasha xuquuqaadka Haweeenka (Women Human Rights Defender Award) ayaa waxa loo qabtay Munaasibad, taasi oo ay ka qayb-galeen Madax ka socotay SIHA iyo hoggaanka sare ee daladda NAGAAD.

Madaxa Mashaariicda ee SIHA, Yuusuf Axmed Cabdi oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa faahfaahiyey ujeeddada Abaal-marinta ay SIHA ahaan guddoonsiiyeen NAGAAD, waxaanu yidhi  “Iyadoo aynu ognahay in guud ahaan Gobolka ay jiraan Caqabado naga haysta siyaasad-dhaqameedka  ayaa haddana waxaynu ognahay difaacayaasha xuquuqda Haweenka ay wadaan inay isbeddel dhab oo la taaban karo ka sameeyaan Geeska Afrika xagga xuquuqda Haweenka iyo inay awood siiyaan Haweenka, iyadoo taasi jirto haddana waxay waajahaan caqabado badan difaacayaasha xuquuqda Haweenku, sida Cadaadis la cadaadiyo. Sidaas oo ay tahay haddana marnaba ma joojiyaan hawsha ah inay isbeddel ku sameeyaan Haweenka iyo xuquuqdooda.”

Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Iyadoo SIHA taa ka duulaysa waxay markii ugu horraysay samaysay (Women Human Rights Defender Award), fikraddani waxay dhalatay Sannadkan 2020, waxaana la bilaabay bishii July 2020, waxaana lagu bilaabay Somaliland iyo Koonfurta Suudaan haweenka loo aqoonsanayo Haweenka ku hawlan difaacidda Xuquuqda Haweenka, markaas July ayaanu bilownay inaanu ururrada u dirno inay soo Magacaabaan (Xulaan) Ururka ay is leeyihiin wax wanaagsan buu ka qabtay (Difaacidda Arrimaha haweenka), markii aanu u dirnay ka dib, way soo celiyeen jawaabtii, mid walbana wuxuu keenay Ururkii uu is lahaa ama Dadka uu is lahaa waa kuwa Isbeddel dhab ah ka sameeyay Somaliland difaaca xuquuqda Haweenka. Waxa soo loo bandhigay Guddi ka kooban Xubnaha SIHA iyo xubnaha la taliya SIHA, sidaasi darteed waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Ururkii loo Aqoonsaday inuu noqday NAGAAD..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sidaasi darteed ayaanu guddoonsiinaynaa Abaal-marinta (Award)..”

Madaxa Xafiiska SHIHA ee Hargeysa, Nuuradiin Muxumed Caabbi oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi  “Farxad weyn bay noo tahay inaanu u aqoonsano NAGAAD inay noqoto Ururka keliya ee wax ka beddelay Xuquuqda Dumarka xagga Somaliland..”

Agaasimaha fulinta ee NAGAAD, Marwo Nafiisa Yuusuf Maxamed oo halkaas ka hadashay ayaa u Mahad-naqday SIHA, waxayna tidhi  “Aad baanu ugu faraxsanahay inaanu Maanta SIHO ka helnay Abaal-marin, abaal-marintaasi oo ah lacag iyo Award kale. Shaqadaad qabanaysaa maaha in abaal-marin lagugu siiyo waa inay ka tarjuntaa inay gaadhay Bulshada, markaa abaal-marintani waa farxad weyn oo u soo hoyatay ururka Haween-weynaha NAGAAD oo soo shaqaynayey wakhti aad u dheer..”

Nafiisa waxay sheegtay inay sii wadayaan dedaalkooda la xidhiidha ka shaqaynta Xuquuqaadka Haweeenka, sida Waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, la-dagaalanka Kufsiga iyo Gudniinka, kuwaasi oo dhammaantood hoos imanaya ujeeddada ay u aasaasan tahay NAGAAD.

Guddoomiyaha Daladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD, Ismahaan Cabdisalaan Xasan oo halkaas ka jeedisay hadal kooban ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay in SIHA oo ay mar ka ahayd Guddoomiye, imikana ka mid tahay La Taliyeyaasheedu ay bixiso abaal-marintan.

 

 

Author: Ismail

Leave a Reply