dalladda nagaad oo kaashanaysa hay’adda isku xidhka ururada maxaliga ah iyo kuwa international-ka ah ee somaliland ngo consortium ayaa aqoon isweydaarsi socday laba maalmood u qabtay dadka naafada ah iyo kuwa la haybsooco, aqoon kodhsigan oo ka dhacay hotelka maansoor ee magaalada hargaysa ayaa waxa lagu darsaayey kulankaasi sidii looga hortagilahaa dhibatooyinka uu keenay xanuunka covid 19 iyo sidii looga bixi lahaa loogana kaalmayn lahaa caqabadaha ama culaysyadda ka dhashay xanuukaasi ee hada hortaagan ama caqabada ku ah dadka la haybsooco iyo kuwa naafada ah , kulankan ayaa sidoo kale lagaga qaybqaadanaayey xuska maalinta naafadda aduunka ee 3 december , waxaana ay fariimo ugu direen bulshada masuuliyiinta halkasi ka hadashay,iyaga oo sheegay in la ilaaliyo xuquuqda dadka lixaadka la oo la kaalmeeyo.
kulankan ayaa waxaa si wada jir ah u furay agaasimaha dallada nagaaad nafisa yusuf maxamed, iyo xaliimo weheliye oo ah isu duwaha ngo consortium.
gabogabadii kulankaasi oo ay ka qaybgalayaashu talooyin badan ku soo gudbiyeen ayaa waxaa soo xidhay guddoomiye kuxigeenka dallada nagaad khadra cumar xasan,