+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Daladda Isku Xidhka Haweenka Ee Nagaad Ayaa Aqoon Iswaydaarsi U Qabatay Dadka Naafada Ah Iyo Kuwa La Haybsooco

dalladda nagaad oo kaashanaysa hay’adda isku xidhka ururada maxaliga ah iyo kuwa international-ka  ah ee somaliland ngo consortium ayaa aqoon isweydaarsi  socday laba maalmood u qabtay dadka  naafada  ah iyo kuwa la haybsooco, aqoon kodhsigan oo ka dhacay hotelka maansoor ee magaalada hargaysa ayaa waxa lagu darsaayey kulankaasi sidii looga hortagilahaa dhibatooyinka uu keenay xanuunka covid 19  iyo sidii looga bixi lahaa loogana kaalmayn lahaa caqabadaha ama culaysyadda ka dhashay xanuukaasi  ee hada hortaagan ama caqabada ku ah dadka la haybsooco iyo kuwa  naafada  ah , kulankan ayaa sidoo kale lagaga qaybqaadanaayey xuska maalinta naafadda aduunka ee 3 december , waxaana ay fariimo ugu direen bulshada masuuliyiinta halkasi ka hadashay,iyaga oo sheegay  in la ilaaliyo xuquuqda dadka lixaadka la oo la kaalmeeyo.

kulankan ayaa waxaa si wada jir ah u furay agaasimaha dallada nagaaad nafisa yusuf maxamed, iyo xaliimo weheliye oo ah isu duwaha ngo consortium.

gabogabadii kulankaasi oo ay ka qaybgalayaashu talooyin badan ku soo gudbiyeen ayaa waxaa soo xidhay guddoomiye kuxigeenka dallada nagaad khadra cumar xasan,

Author: Ismail

Leave a Reply