+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Munaasibad Xus Iyo Baroordiiq Loogu Sameeyey Dr. Aadan Yuusuf Abokor Oo Hargeysa Ka Qabsoontay

Munaasibad loogu baroorqiidayo Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo door weyn ku lahaa dib u dhiskii dalka iyo ka shaqaynta arrimaha bulshada ayaa xalay lagu qabtay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen dad ka kala socday heerarka kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa waxa ay dadkii ka hadlay munaasibadaasi ku dheeraadeen shakhsiyadii iyo dedaalkii uu dalka galiyey Dr. Aaden Yuusuf Abokor.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo munaasibadaasi khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu ku dheeraaday doorkii uu dalka dib u dhiskiisa kulahaa Dr. Aaden Yuusuf Abokor iyo intii ay shakhsiyan is yaqaaneen dhacdooyinkii ay u soo wada joogeen.

“Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ahaa hoggaamiye bulshada saameyn ku leh, waxaanu ahaa qof intaanu is naqaanay aanan xasuusan isaga oo cadhoonaya, wakhti badana waxa uu galiyey dalkiisa iyo dadkiisa inuu dhiso” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Guddoomiye ku xigeenka Dallada Haweenke NAGAAD oo munaasibadaasi khudbad ka jeedisay ayaa ka waran wakhti dheer oo ay Dr. Aadan aqoon isku lahaayeen, waxaanay xustay inuu wakhti badan galiyey u doodista dadka aan codka lahayn, si weyna uu u taageeri jiray haweenka iyo dhalinyarada.

“Dr. Aadan waxa aanu is baranay 20 sano ka hor waxa uu ahaa qof degan oo taageera dadka aan codka lahayn, waxaanu in badan is garab taagi jiray haweenka iyo dhalinyarada”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah xubnaha golaha Wakiilada Somaliland ayaa isna khudbad uu madasha ka jeediyey kaga sheekeeyey inta uu ka xasuusto Dr. Aadan Yuusuf Abokor.

“Dr. Aadan marka uu noogu yimaado golaha wakiilada waxa aan kaga hortagi jiray albaabka, waayo mar kasta waxa uu ahaa qof nagu kordhiya aragti iyo wax bulshada dan u ah” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Agaasimaha dalada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo isna munaasibadaasi khudbad kooban ka jeediyey ayaa waxa uu xusay in uu Dr. Aadan Yuusuf Abokor ahaa qof tiir u ah taageerada dadka aan codka lahayn iyo u tabarucaadka dalkiisa.

Guddoomiyaha Xuquuqul Iinsanka Qaranka Mujaahid Maxamed Baaruud oo ay Marxuum Aadan Yuusuf Abokor isku ahaayeen dhalinyaradii UFFO ayaa khudbad uu munaasibada ka jeediyey kaga waramay shakhsiyadiisii waxaanu xusay inuu ahaa dhiirigaliye weyn.

“Dr. Aadan wakhtigii aanu jeelka ku jirnay ee UFFO waxa uu noo ahaa dhiirigaliye weyn, waxaanu in badan qarankan galiyey dedaal badan dib u dhiskiisa”.

Maxamed Barwaani oo hore u ahaa agaasimaha dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa sheegay in Dr. Aadan ka mid ahaa dadkii seeska u ahaa ururo badan oo bulsho iyo dedaalo badan oo nabadaynta dalka ah, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dr. Aadan waxa uu in badan ka qayb qaatay dhisitaanka ururo badan oo bulsho, sidoo kale dedaalo badan oo xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta dalka ah ayuu qayb weyn ku lahaa”.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), Dr. Maxamed Cismaan Fadal, Sacdiya Caalin oo ay Progressio Marxuumka ka wada hawlgali jireen, Sucad Ibraahim, Cali Guuleed iyo  Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo munaasibaadi khudbado ka soo jeediyey ayaa waxa ay ku dheeraadeen doorkii iyo dedaalkii Dr. Aadan Yuusuf Abokor, iyaga oo Marxuumka ALLE uga baryey inuu naxariistiisa Jano ugu deeqo.

https://www.youtube.com/watch?v=nHxKBHu9aTY

 

r o

Author: Ismail

Leave a Reply