+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Qaar Ka Mida Madaxdhaqmeed G Saaxil Oo Taageeray in Haweenku Ku Soo Baxaan Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda

Hay’adda NAGAAD Network ayaa maanta kusoo gabagabaysay Magaalada Berbera kulan hawleed ay u qabatay qaar kamid ah Cuqaasha gobolka saaxil. Kulankan ayaa wuxuu daarranaa in Cuqaashu ay ansixiyaan hablaha musharaxiinta ah ee gobolka Saaxil u sharaxan doorashooyinka Golaha wakiillada iyo Golaaha deegaanka.

Cuqaasha ayaa dood dheer ka dib isku raacay in habluhu  xaq u leeyihiin in ay u tartamaan golayaasha wakiillada iyo deegaanka, sidoo kalena waxa ay taageero buuxda u muujiyeen hablaha ka sharaxan deegannadooda.

 

NAGAAD waxa ay u taagan tahay sidii ay u garab istaagi lahayd hablaha musharaxiinta ah iyo in haweenku si buuxda uga qayb galaan talada dalka.

Qaar ka mida cuqaasha oo ka hadlaya kulanka waxa ay yidhaahdeen

Author: Ismail

Leave a Reply