+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Dufcadii Labaad Ee Dhalinyarta Upshift Ee Laga Qaato Magaaladda Hargaysa Oo Ka Kooban 50 Qof Oo Isugu Jira Rag Iyo Dumar Ayaa Tababarkii Ganacsiga Loo Soo Xidhay

Hargaysa (NAGAAD) tabobar soconayey muddo afar cisho a, ayaa  loosoo gabogabeeyay 50 dhalinyaro ganacsiyada fudud labaraayey  tabobarkaas ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay dayartan maalgalin ganacsi loo siin lahaa Filsan oo kamid ah ardaydii tabobarkan qaadanaysay ayaa  ugu horayn halkaaso ka hashay waxaana ka mid ahaa hadlkeeda “waxaaan idinkkula talinayaa, in aydin ganacsiyadiina ku salaysaan shareecada islaamka, alle ayaa idiin barakaynaaya, markastana aydin ka fikirtaan maxaynu bulshadeena dhibaatooyinka haysta ka bedalikarnaa.”

Sidookale waxaa isna halkaa talo ka soo jeediyey, Sarkaal ka socday Hay’adda UNICEF oo iyada maalgalinta ganacsiyadan bixinaysa “ka UNICEF ahaan waxaa naga go’an markasta garab-istaag iyo caawinta dhalinyarada, abuurida fursado ganacsiyo, waxaan uga mahadnaqayaa NAGAAD sida wacan ee ay barmaamijkan u qaban qaabiyen.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Soomaliland Cabdirashiid Ibraahim Sh Cabdiraxmaan. Ayaa amaanay qorshahan islmarkaana halkaa talo uga soo jeediyey  dayarta, waxaana ka mid ahaa hadlkiisa “ hal-abuurka Upshift aad baan  u hambalyeynayaa, waana muhiiim in dhalinyarta loo abuuro fursado ay ganacsiyo ku samaynkaraan, dhalinyarta waxaan leeyahay fadlan  xidhiidhadiina kordhiya, qofku fursadaha waxa uuu u jiraa inta xidhiidh uu leeyahay.”

Gabo-gabadii waxaa kulankssi soo afmeertay Aggaasimaha Fulnta NAGAAD NETWORK Marwo Nafisa Yuusuf Maxamed oo tidhi “waan idin hambalyeynayaa in aydin ku guulaysteen tababarkan waxaan idinkula talinayaa in aydin dhabar adayag badan u yeelataan ganacsiga, siina hirgalisaan himiladiina, diyaar baan idiin nahay markasta.”

Author: Ismail

Leave a Reply