+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

NAGAAD Ayaa Xisbiga UCID Ku Bogaadisay 10 Musharax Ee Hawenka ah ee ka Sharaxan Xisbigaasi

 

Dallada NAGAAD Network Ayaa Xisbiga Mucardka Ee Ucid Ku Bogaadisay 10 Musharax Ee hawenka ah ee ka Sharaxan Xisbigaasi’ Isalamrkaana Ugu Baaqday Haween-waynaha In Ay Codkooda Siiyaan Habalaha Mushrixiinta.
Munaasibad lagu Shaacinayay 10 kaasi hablood ee musharixiinta ah ayaa lagu qabtay hotrelka maansoor ee magaalada hargeisa waxana madasha ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbiga ucid Siciid Cumar Axmed (Siciid UCID), gudoomiye ku xigeenka dallada nagaad masuuliyiin ka socday xisbiga ucid iyo nagaad Iyo Haweenka Ka Shaxan Xisbiga Ucid.

Ugu Horayn wax Halkaasi Ka Hadashay Gudoomiye Ku Xigeenka Daladda Nagaad Marwo Khadra Cumar xasan, “waxaa sharafweyn ii ah anaga oo ah Dallada isku xidhka haweenka Soomaaliland ee NAGAAD inaanu halkan caawa ku maamuusnoo hablihii murashaxiinta ka ahaa Xisbiga Qaranka ee UCID ee labada Gole, Golaha Deegaanka iyo Golaha Baarlamaanka, UCID-na maanta maadaaama uu noogu soo wada horeeyay oo aanu xafladii ugu horeysay ku maamuusnay, halkaa wax aka yar muuqta in uu naga xigo Xisbiyada kale.”

Sidoo kle wax halkaasi ka hadalay xubno kamida haweenka ka shaxaran xisbigaasi ee munaasibada loo qabtay, “wanaag ayey anaga noo tahay maanta heerka aanu taaganahay, waa heer in badan llaga soo shaqeeyay, waxaan si gaara ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Xuseen, oo10kii murashax ee labteenta Soomaaliland ah ka soo sharaxay Xisbiga UCID, waxaanu idin leenahay haweenka iyo dhalinyaradaa codeeya, inaad codkiina nasiisaan oo noogu deeqdaan si ay noogu dhabowdo riyooyyinkanu in badan ku riyoonaynay, waxaan aad ugu mahad naqayaa Dallada NAGAAD

Guddoomiye kuxigeenka sadexaad ee xisbiga UCID Siciid Cumar Axmed (Siciid UCID) oo munaasibadaasi soo afmeeray ayaa isna waxaa hadalkiisa ka mid ahaa,”Dallada NAGAAD iyo Hawlwadeenadeeda halkan waxaan uga sidaa fariin gaara oo uu isoo faray guddoomiyuhu iyo mahadnaq uu idiin mahad naqaayo xafladan casho sharafta ah ee aad ku maamuusteen xildhibaanada Dumarka ah eek a soo bixidoona Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka waxaan rajaynayaa Dumarku in ay iscawiyaan.

 

 

Author: Ismail

Leave a Reply