+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Daladda NAGAAD oo Daah-furtay Xarun Lagala Soconayo Tacadiyadaha Haweenka lagula kici-karo xilliga Doorashada

Hargeysa (Nagaad) – Daladda Ururrada Haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa Magaalada Hargeysa ka furtay Xarun dabagalaysa isla-markaana diwaangelinaysa Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Maalmaha doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo sida qorshuhu yahay dalka ka dhacay 31-ka bishan May, 2021.

Munaasibad Maanta lagu qabtay xarunta dabagalka Tacadiyada ka dhanka Haweenka, ayaa waxa xadhigga ka jaray Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ay wehelinayeen  Madaxda Daladda NAGAAD iyo Madax kale oo ka socday Dawladda.

Guddoomiyaha Daladda NAGAAD Ismahaan Cabdisalaan oo ugu horrayn halkaa ka hadashay ayaa faahfaahisay ujeeddada laga leeyahay xaruntan, waxayna sheegtay in lagala soconayo Tacadiyada Haweenka sharraxan ama kuwa kale loo geysan karo muddada lagu jiro doorashada iyo ka dibba, Ciddii la kulanta Tacaddi loo geysanayo Haweenkuna la soo xidhiidhi karaan xaruntan, si ay ugu gudbiyaan Komiishanka iyo Hay’adaha amniga.
Ismahaan waxay sheegtay inay sannadkan ay sharraxan yihiin 28 Haween ah, balse iyagu ay saluugsan yihiin tiradaa yar “Waanu saluugsanahay Tirada 28-kaa Haweenka ah oo si adag ku soo baxay” ayay tidhi Guddoomiyaha Nagaad.

Xaruntan oo shaqaynaysaa 24-ka Saacadood  maalinta  doorashada ka horaysa  iyo doorashada ka dibba, ayuu hirgrlinteeda wuxuu Wasiirka Maaliyaddu ku amaanay NAGAAD “Nagaad waxaan uga Mahad-celinayaa Xaruntan ay iska xil-saartay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Diinteena, dhaqankeena iyo Anshaxa wanaagsani way ka soo horjeedaan in lagu Tacadiyo Haweenka”.

Xaruntan oo leh lambarka 2094 oo dadku si bilaash ah u soo garaaci karaan, haddii ay la kulmaan Tacaddi loo geysanayo Haweenka, ayaa isaguna ka hadlay Gaashaanle sare Cabdicasiis oo ka mid ah Booliska, waxaanu sheegay inay diyaarinayaan Boolis heegan ah oo ka jawaaba wixii fal Tacaddi ah la soo gaadhsiiyo xaruntaasi.

Axmed Iimaan Warsame oo ah Boqorka guud ee Beelaha La Hayb-sooco ee Somaliland oo isaguna xafladdaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay in Nagaad diyaarisay meel lagala socdo Tacadiyada Dumarku la kulmi karaan wakhtiga doorashada, isagoo sidoo kalena Haweenka Somaliland u soo jeediyey inay u codeeyaan 28-ka dumarka ah ee u kala sharraxan Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka “Haddaynu soo saarno wax badan bay inoo qaban karaa ” ayuu yidhi boqor Axmed Iimaan Warsame.

Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Arrimaha Bulshada oo iyagu halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay xaruntan loo sameeyay La socodka Tacadiyada Haweenku la kulmi karaan xilliga doorashada iyo ka dibba, waxayna sheegeen inay muujinayso dedaalka Nagaad ugu jirto difaaca iyo horumarinta Dumarka Somaliland.

Daah-furka xaruntan oo sidoo kale ka hadleen xubno muhiim ah, ayaa wax badan ka tari doonta difaaca Haweenka sharraxan iyo kuwa kaleba.

Author: Ismail

Leave a Reply