+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

War-saxaafadeed :Niyad-jabka Haweenka ee Doorashayiinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada

Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan,dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ah  codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Waxa wax laga xumaado ah in haweenka Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee helin matalaadoodii Goleha Wakiillada. Nidaamka doorasho ee qabiilku leeyahay saamaynta ugu badan, waxa uu meesha ka saarayaa xuquuqda haweenku u leeyihiin inay talo ku yeeshaan go’aannada masiiriga ah ee noloshooda saamaynaya.

Haweenwaynaha  waxa ay ku baaqayan in dib-eegis lagu sameeyo shuruucda doorashada, sido kalena laga dhigo kuwo wadada u xaadhanaya in haweenku helaan metelaad rasmi ah. Waxaanu mar kale ku baaqaynaa in ay lagama maarmaan tahay in haweenku helaan kooto gaar ah, oo ay dhexdooda ku tartamaan, inta laga gudbayo caqabadaha dhaqanka iyo qabiilka.

Waxaanu hanbalyaynaynaa hablihii dadaalka badan soo sameeyay kuna soo dhawaaday guusha dhamaantood, waxakaloo aanu hambalyaynaynaa sadexdii hablood ee kasoo baxay golaha deegaanka

Wax kaloo muqadas ah in aanu dedaalka halkaa kasii wadi doono oo aan anu niyad jabidoonin.

Khadra Cumar Xasan

0634421094

Author: Ismail

Leave a Reply