+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Daladda NAGAAD Oo Hargeysa Ka Furtay ‘Xarunta la Socodka Tacadiyada ka Dhanka Ah Haweena’

Hargeysa (Nagaad) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa   (05.03.2022) Xadhigga ka jaray Xarunta la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, taasi oo ay Magaalada Hargeysa ka hirgalisay Daladda ururrada Haweenka ee NAGAAD.

Xaruntan oo muhiim u ah haweenka isla-markaana u adeegi doonta Marka ay doorashooyinka ka qay-galayaan iyo mar kaleba, ayaa waxay Haweenku ku soo gudbin doonaan Tacadiyada ay la kulmaan.

Xaruntan la socodka Tacadiyada Haweenka ka dhanka ah oo mar walba lagala xidhiidhi karo Lambarka Gaaban ee 2094, ayaa Munaasibaddii lagu furay waxa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha gudaha, Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha, Agaasimeyaal, Madaxda Xafiiska UK ee Somaliland, Haydaha Caalamiga ah, kuwa UN-ka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.

Guddoomiyaha Daladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD Ismahaan Cabdisalaan Xasan oo ugu horrayn halkaa ka hadashay, ayaa faahfaahisay xarunta ay fureen, waxayna tidhi  “Xaruntan waxa loogu Talo-galay la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, Waayo? Sannadkii 2021-kii keliya waxa Dalka ka dhacay 188 Kufsi ah.”

Guddoomiyaha NAGAAD waxay sheegtay inay xaruntan oo diwaangelinaysa dhibaatooyinka loo geysto Dumarku ay kaabayso Hay’adihii hore Qaranka ugu qaabilsanaa difaaca iyo ilaalinta xuquuqda Dumarka.

Ismahaan Cabdisalaan Xasan waxay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ka codsatay in la curiyo Xeer loo adeegsado Dadka, dadka ku Tacadiyada Haweenka isla-markaana u geysta falalka Kufsigu ka mid yahay “Madaxweyne, waxaanu kaa codsanaynaa inaad nagala shaqayso xeerkii xakamayn lahaa Tacadiyada Haweenka.” Ayay tidhi Guddoomiyaha NAGAAD Ismahaan Cabdisalaan Xasan

Guddoomiyaha Daladda ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi  “Xaruntani waa ugu horraysay Abid ee Somaliland laga hirgeliyo, si loogu soo gudbiyo Tacadiyada Haweenka lidka ku ah..”

Wakiilka Dawladda UK u fadhiya Somaliland Lizzie Walker oo ka mid ahayd Marti-sharafta khudbadaha ka jeediyey Munaasibadda lagu Daah-furay xaruntan lagula soconayo Tacadiyada haweenka ka dhanka, ayaa sheegtay in Xaruntu muhiim u tahay la socodka wixii dhibaato ku ah Haweenka “Xaruntani aad bay muhiim ugu tahay la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka..” ayay tidhi Lizzie Walker

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib oo iyaduna ka hadashay Xafladda, ayaa sheegtay in Madaxweynuhu wax ka qabanayo wixii dhibaato ku ah Haweenka “Dumarku waa jidka guusha, markaa Madaxweynuhu wuu garab taagan yahay..” ayay tidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland.

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Ictiraaf-raadinta Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ahna Aasaasaha Edna Aadan ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in Tacadiyada dumarku dalka ku soo badanayaan, sidaasi darteed loo baahan yahay in meel looga soo wada jeedsado wax ka qabashadeeda “berigii hore, haweenka looma baqi jirin, oo dhaqankeena ayaa ilaalin jiray, laakiin Maanta dhaqankeenii wuu isbeddelay oo waxaanu aragnaa 6 jir iyo 8 Jir la kufsaday..”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay “Madaxweynaha jooga waxaan leeyahay kartidii aad wax kaga qaban karto waad leedahay ee wax ka qabo.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in tacadiyada loo geysto dumarku aanay Kufsi oo keliya ahayn, balse ay intaa ka badan yihiin, sidaasi darteed Xaruntani tahay mid loo baahnaa.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Shareecada Islaamku tahay in Qofka kufsi geysta la Rajmiyo, sidaasi darteedna Dawlad ahaana meel adag ka taagan yihiin Kufsiga iyo Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka Somaliland.

Munaasibadda oo ay sidoo kale ka hadleen Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee  Xisbul-xaakimka KULMIYE Cabdi Axmed Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Xubno ka socday Hay’adaha Caalamiga ah, ayaa waxa soo gunaanaday Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan ay ka shaqaynayaan sidii loo suulin lahaa Tacadiyada ka dhanka ah Dumarka, sidaasi darteedna ay diyaariyeen Xeerkii loo adeegsan lahaa Ciddii dhibaato u geysata Dumarka isla-markaana uu xilligan hor-yaallo Golaha Wakiillada “Waxaynu ka midaysanahay inaynu la dagaalano Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka, Waayo? Kufsiga Dumarka loo geysto Qof walba wuu ka damqanayaa.”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumad ahaan aanay waxba kala hadhaynin inay la dagaalamaan Tacadiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland, laakiin loo baahan yahay in Culimada Dalku la fahmaan Dedaalka ay Xukuumad ahaan ugu jiraan in la suuliyo Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Author: Ismail

Leave a Reply