+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Nagaad Ayaa Hargaysa Ku Soo Bandhigtay Daraasad Dib Loogu Eegayo Qoondada Haweenka

Kulan  ay soo qaban qaabisay dallada isku xidhka haweenka ee NAGAAD ayaa waxa lagaga hadlay cilmi-baadhis ku saabsan dib u eegis lagu sameeyey Qoondada haweenka ee Somaliland laga soo bilaabo sanadkii 2002-2021.

 

Qoondada oo ay curiyeen xukumada iyo ururadda arrimaha bulshada loona gudbiyey wakhtigaasi Golayaasha sharci dajinta ayaan noqon mid midho dhasha, kadib markii ay diideen golayaashaasi, Balse hada daraasadani waxay iftiiminaysaa inaanay haweenku ka maarmikarin  qoondo loo sameeyo.

Waxaana munaasibadan ka soo qayb galay wasiirka shaqo-galinta iyo arrimaha bulshada iyo qoyska ,xildhibaano ka kala socday labada gole ee Guurtida iyo Baarlamanka ,gudoomiyaha dalladda SONSAF ,sharciyaqaano ,xuquuqal insaka iyo qaar kamida haweenkii tartamay doorshoyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay

Ugu horeyn waxaa munaasibada furtay Guddoomiye ku-xigeenka dallada NAGAAD Khadra Cumar Xasan, kadib Nafiisa Yuusuf oo ah agaasimaha NAGAAD ayaa faahfaahisay ujeedada kulanka

Guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo ku hadlaayey afka Ururadda Bulshada ayaa isna ku dheeraaday sida ay haweenku ugu ooman yihiin in Qoondo loo sameeyo.

Waxaa kulanka hadal ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Shaqo-galinta, Qoyskai iyo Arimaha Bulshada Soomaaliland Mustafe Maxamuud Ali  oo sheegay in ay ka xukuumada Somaliland ka go’antahay in dumarku Qoondo u gaar ah helaan.

Sidoo kale waxaa kulanka kalmado ka jeediyay isla markaana dooda ka qayb qaatay xubno ka socday Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida, iyaga oo balan qaaday in ay ka shaqayn doonaan sidii loo sii ambo qaadihii dadaalada Qoondada Haweenka

Ugu danbayntii waxaa lasoo soo bandhigay cilmi-baadhis ku saabsan Qoondada haweenka iyo sida aanay dumarku oga  o uga maarmikarin in ay helaan Qoondo u gaar ah.

Author: Ismail

Leave a Reply