+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

NAGAAD Oo Soo Bandhigtay Daraasad Xanbaarsan Warbixin La Xidhiidha doorka ka qayb-qaadashada dumarka ee siyaasada halka ay SONSAF Oo Isla Madashaas Ku Soo Bandhigtay Mareegta Hansiyaasi.com

NAGAAD Oo Soo Bandhigtay Daraasad Xanbaarsan Warbixin La Xidhiidha doorka ka qayb-qaadashada dumarka ee siyaasada halka ay  SONSAF Oo Isla Madashaas Ku Soo Bandhigtay Mareegta Hansiyaasi.com oo lagu ururiyay xog iyo qoraalo ku saabsan arrimaha dumarka iyo siyaasada

NAGAAD Network ayaa soo bandhigtay Buug ay ku duugan tahay warbixin khusaysa doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhaxay, munaasibada lagu soo bandhigay ayaa   lagu qabtay Hudheel-ka Casood ee Magaaladda hargaysa, waxaana ka soo qayb galay Masuulyiin Aqoonyahno iyo marti sharaf kale.

.

Ugu horayn Agaasimaha daladdda NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed oo faahfaahisay Buuggan iyo xogta ku jirta, waxay sheegtay in ay ku duugan tahay buugaasi warbixin la xidhiidha doorashooyinkii dalka ka dhacay dhawaan, waxaanay xooga saaraysa ayey warbxintu caqabadihii soo waajahay haweenka iyo dadka la Haybsooco ee ka qayb qaatay  tartankii doorashadaas.

Guddoomiyaha dalladda SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsme oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay daladiisu NAGAAD ku wareejinayso Mareeg casriya oo lagu magcaabo, https://hansiyaasi.com/ waxaanu sheegay inay cusub tahay mareegtani

“Mareegtan cusub waxa ku kaydsan casharo ay bixinayaan dad aqoon durugsan u leh mawduucyada ay ka hadlayaan.

Haween waynaha reer Somaliland waxa ay mareegtan cusub ka helayaan casharo ku saabsan.

  1. Hogaaminta
  2. Shuruucda
  3. Ololaha doorashooyinka
  4. Sida tolmoon ee loo isticmaalo baraha Bulshada.

Mareegta Hansiyaasi waxa maamuli doonta Dalladda Haweenka ee NAGAAD oo kamid ah Xubnaha SONSAF, islamarkaana muddo ku siman 30 sanno ka shaqaynaysay horumarinta Haweenka Somaliland.”

Fadxiya Maxamed Cabdiraxmaan  Agaasimaha Hay’adda Maamul Wanaaga  Qaranka oo ahayd masuuliyiinta kulankaasi lagu soo bandhigaay Daraasadda, sidoo kalena lagu wareejinaayey Mareegta loogu Magac daray HanSiyaasi.com, ayaaa sheegtay, in ay ku raacsan tahay soo jeedinta Agaasimaha Fulinta ee NAGAAD ee ah in Websaydkan magaca laga bedalo, waxaanay tidhi:- “waan ku raacsanahay in Magaca websaydka la bedalo, waanaan soo jeedinayaa”

Ugu Danbayntii waxa kulankan soo afmeeray qaarkamida garabada haweenka ee Xisbiyadda UCID, Kulmiye iyo Agaasimaha dallada SONSAF oo dhamaantood ku dheeraadaay faa’idada uu lahaa bandhigaasi.

Author: Ismail

Leave a Reply