+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

War-Saxaafadeed Dallada Isku Xidhka Haweenka Ee NAGAAD Waxa Ay Garab Taagan Tahay Oo Ay Murugadda La Qaybsanaysaa Dadka Uu Hantidooda Uu Saameeyay Dabkii Ka Kacay Suuqa Waaheen

             

Ref: ED/1025/ 2022                                                                                          Date:  03.04.2022

War-saxaafadeed

 

Dallada Isku xidhka haweenka ee NAGAAD waxa ay garab taagan tahay oo ay murugadda la qaybsanaysaa dadka uu hantidooda uu saameeyay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee Magaaladda Hargaysa, waxanay Alle uga baryeysaa in uu ugu bedalo hantidaas ka gubatay wax khayar qaba.

Suuqa waaheen wuxuu ahaa suuqa ugu wayn Somaliland ee ay waddamada jaarku ka adeegtaan. Waxaa kaloo aan u mahadnaqaynaa cid walba oo nala dareena nalana danqatay.

Dalladu waxa ay ugu baaqaysaa umadda muslimka ah meel kasta oo ay joogaan in la caawiyo oo laga qayb qaato sidii dib loogu xoolayn lahaa dadkaas, dhismayaashoodiina dib loogu dhisi lahaa.

Sidoo kale dalladu waxa ay baaq u diraysaa beesha caalamka, Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah inay ka qayb qaataan dib u dhiska suuqaas iyo dib u xoolayn lagu sameeyo dadkaasi uu hantidooda saameeyay dabku, dhanka kale suuqani waxa uu kumanaan dadweynaha reer Soomaaliland ka mida  u ahaa shaqo abuur oo waxa ay u shaqaynayeen dadka hantiilayaasha ah iyagana waa in tiradda lagu darsadaa.

Sida ay shaaciyeen guddida dawladu u saartay arinta suuqaas, hantida baaba’day waxa ay gaadhaysaa 1.5 Bilyan  ilaa 2 Bilyan oo Dollar.

 

Guddomiyaha Dallada  Isku Xidhka Haweenka Ee Nagaad

Asmahan Cabdisalam Xasan

 

 

             

 

Author: Ismail

Leave a Reply