+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Ambaasadoorka Dalka Iswiidhan Mudane Pen Lindgarde Ayaa Soo Booqday Xafiiska NAGAAD Ee Hargeysa

Kulanka waxaa lagaga hadlay dhawr arrimood oo ay ugu wayntahay dadkii dhawaan ku waxyeeloobay dabkii suuqa Waaheen, dabkaa oo khasaaraha uu gaystay lagu qiyaasay balaayiin doolar.

Suuqa Waaheen wuxuu ahaa mid kamida suuqyada ugu waaweyn geeska Afrika , qiimayn hordhac ah ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha suuqa ku gubtay uu ahaa 2 Bilyan oo doolarka maraykan ka ah. Dabka ayaa wuxuu barakiciyay kumanaan ganacsato iyo dad ay noloshoodu ku tiirsanayd suuqa. Dad badan ayaa guryahoodii iyo ganacsiyadoodii ku waayay, kasoo kabashada musiibadani waxay qaadan doonaa muddo dheer.

Ambaasadoorka ayaa balan qaaday taageerada uu ka gaysan doono dib u dhiska suuqa Waaheen, si uu gacan oga gaysto taageerada dadka jilicsan, NAGAAD ayaa oga mahadcelisay Ambaasadoorka taageerida uu muujiyay.

Daladda NAGAAD ayaa waftiga kala hadashay qorshohooda binu-aadamnimo ee ku aadan dadka dhibku soo gaadhay, si gaar ah waxaa wafdiga lagala hadlay dadaalkooda ku aadan dumarkii bacadyaalka ahaa ee dabka waxyeelada gaadhsiiyay, maadaama oo ay yihiin dadka ugu jilicdasan ee suuqa ku waxyeeloobay.

Kulan wuxuu kusoo gabo-gaboobay Isfahan iyo wadashaqaynta ka dhaxeyn doonta daladda NAGAAD iyo waftiga reer Iswiidhan

Author: Ismail

Leave a Reply