Date: 04.05.2022
War-saxaafadeed
Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD waxa ay saluug ka muujinaysaa khiilaafka horta leh ee ka soo baxaaya Xubin kamida Koomishanka Doorashooyinka Qaranka kaas oo la xidhiidha Magcaabista loo magcaabay Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi in ay ahaato Guddoomiyaha Gudiga Koomiishanka, Dallada NAGAAAD oo ku hadlaysa afka haweenka Soomaliland waxa ay ka soo horjeeda in Xubinta kaliya ee Haweenka ah ee ku jirtay Guddigaasi oo loo doortay Guddoomiye la carqaladeeyo iyada oo lagu fogaynaayo dumarnimo, Dalladu waxa ay ku baaqaysaa in xilkaasi ay badiba xubnaha koomiishanku u doorteen in ay ku hogaamiso, lagu ixtiraamo sifihii sharciga ahaa ee lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.
Talaabadan oo ay haweenka Soomaaliland oo ay ku hadlaysay Dallada NAGAAD afkooda hore ugu hambalyeyeen xubnaha Guddiga Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ee xilkaasi u doortay xubintaa Haweenka ah, ayaa hada walaac ka muujinaaya talaabadaasi khilaaafka ah ee uu kagaga soo horjeestay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Koomishanka Doorashooyinka Qaranku Cabdirashiid Riyo Raac, waxaanay u soo jeedinayaan inuu taageero oo uu u garab istaago Haweenayda bedashay sidii ay u garb taagnayd intii uu xilka hayey. Ugu danbayntiii Marwo Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi guddoomiyaha loo doortay guddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ah qof khibrad dheer u leh hawlaha doorashooyinka, in badana ka soo mid ahayd Ururadda u adeega arimaha bulshada waxa aanu u rajaynayaan in xilkaa alle u fudeediyo.
Wa Bilaahi towfiiq.
Guddomiyaha Dallada Isku Xidhka Haweenka Ee Nagaad
Asmahan Cabdisalam Xasan