+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

War-saxaafadeed

Date:  04.05.2022

War-saxaafadeed

 

Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD waxa ay saluug ka muujinaysaa khiilaafka horta leh ee ka soo baxaaya Xubin kamida Koomishanka Doorashooyinka Qaranka kaas oo la xidhiidha Magcaabista loo magcaabay Kaltuun Sheikh  Xasan Cabdi in ay ahaato Guddoomiyaha Gudiga Koomiishanka, Dallada NAGAAAD oo ku hadlaysa afka haweenka Soomaliland waxa ay ka soo horjeeda in Xubinta kaliya ee  Haweenka ah ee ku jirtay Guddigaasi oo loo doortay Guddoomiye la carqaladeeyo iyada oo lagu fogaynaayo dumarnimo, Dalladu waxa ay ku baaqaysaa in xilkaasi ay badiba xubnaha koomiishanku u doorteen in ay ku hogaamiso, lagu ixtiraamo sifihii sharciga ahaa ee lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.

Talaabadan oo ay  haweenka Soomaaliland oo ay ku hadlaysay Dallada NAGAAD afkooda hore  ugu hambalyeyeen xubnaha Guddiga Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka ee xilkaasi u doortay xubintaa Haweenka ah, ayaa hada walaac ka muujinaaya talaabadaasi khilaaafka ah ee uu kagaga  soo horjeestay Guddoomiyihii hore ee Guddiga Koomishanka Doorashooyinka Qaranku  Cabdirashiid Riyo Raac, waxaanay u soo jeedinayaan inuu taageero oo uu u garab istaago Haweenayda bedashay sidii ay u garb taagnayd intii uu xilka hayey. Ugu danbayntiii Marwo Kaltuun Sheikh Xasan Cabdi guddoomiyaha loo doortay guddiga Doorashooyinka Soomaaliland oo ah qof khibrad dheer u leh hawlaha doorashooyinka, in badana ka soo mid ahayd  Ururadda u adeega   arimaha bulshada waxa aanu  u rajaynayaan in xilkaa alle u fudeediyo.

Wa Bilaahi towfiiq.

Guddomiyaha Dallada  Isku Xidhka Haweenka Ee Nagaad

Asmahan Cabdisalam Xasan

Author: Ismail

Leave a Reply