+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Madaxa Iskaashiga Horumarinta ee Safaaradda Sweden Ayaa Booqasho Ku Timi Xarunta Dhexe Dallada Isku Xidhka Haweenka Ee NAGAAD Network Hargaysa Soomaliland

Madaxa Iskaashiga Horumarinta ee Safaaradda Sweden  (Head of Development Co-operation for Somalia at Embassy of Sweden) Petra Smitmanis Dry iyo Xaliimo Cali Aadan oo ah madaxa barnaamijka ayaa booqasho ku yimi  Xarunta Dhexe  Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD Network Hargaysa Soomaliland, Masuuliyiinta Dalladaasi oo ay halkaasi kulamo ku yeesheen ayaa waxa ay ka waraysatay Xaaladda guud ee Haweenka iyo mashaariicda horumarineed ay dawladoodu ugu deeqdo Somaliland, sidoo kale waxa ay halkaasi kulan  kula yeeshen Garabyada Haweenka u metala Xisbiyada Siyaasadda iyo qaar ka mid Haweenkee u tartamay doorashooyinkii dhawaan Dalka ka dhacay  oo ay ka xog-waraysteen halka ay marayaan arimaha siyaasda Haweenka ee Dalku, ugu danbayn Masuuliyiintan ka socday safaarada waxa ay balan qaaden, inay siiwadayaan taageerada ay siiyaan haweenka

Author: Ismail

Leave a Reply