+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

Haween-weynaha Somaliland Oo Baaq Ka Soo Saaray Tacadiyada Loo Geysto.

Hargeysa (NAGAAD) – Daladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD, ayaa Magaalada Hargeysa ku qabatay Kulan lagu gor-feeyay Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.

Kulankan oo qayb ka ah 16-ka Maalmood ee loo qorsheeyay ka hadalka Tacadiyadaha loo geysto Haweenka iyo sidii loo tashan lahaa dhibaatooyinkaa sidii looga gudbi lahaa, ayaa waxa ka qayb-galay Maamulka sare ee Daladda Nagaad, inta badan Haweenka xilalka ka haya Dawladda, Xisbiyada Qaranka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka ku jira Ciidammada iyo Ciyaaraha, Haweenka Ku Jira Saxaafadda, Kuwa Qareenadda ah, kuwa ka shaqeeya Hay,addaha Caalamiga ah iyo UN-ka.

Furitaankii kulankaasi, waxa ka hadashay Guddoomiyaha Daladda Ururrada Haweenka ee NAGAAD Asmahaan Cabdisalaan, waxayna ku dheeraatay sida ay Nagaad uga go’an tahay inay ka shaqayso sidii loo suulin lahaa Tacadiyadaha loo geysto Haweenka iyo Hablaha “Waxaynu ka hadlaynaa tacadiyada u gaarka ah haweenka Somaliland iyo xeerarka taagan” ayay tidhi Ismahaan Cabdisalaan, waxayna intaa ku dartay “16 Maalmood ee ololahan waxa aynu ku falanqayn doonaa sababaha aynu haween ahaan metalaadda uga weynay goleyaasha Qaranka. Waxa aynu soo saari doonaa aynu ka midaysanahay haween ahaan”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Deeqa Cabdi Yuusuf oo iyaduna halkaa ka hadashay ayaa tidhi “Haddii aanu nahay haweenka Xukuumadda ku jira waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadano fulinta go’aamada shirkan ka soo baxa..”

Kulankan oo socday muddo Saacado ah, ayaa waxa Haweenku kaga warrameen Tacadiyada loo geysto Haweenka, Goobaha ay ka dhacaan iyo Siyaababa lagaga hor-tagi karo.

Haweenka Shirkaa hadallada ka jeediyey isla-markaana Talooyinka ka geystay waxa ka mid ah kuwo ka socday Xisbiyada Qaranka iyo Ciidanka Booliska.

Nasteexo Cismaan oo ah Kornayl ka tirsan Ciidammada Booliska oo halkaa ka hadashay, ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah Tacadiyada ay dumarku la kulmaan “Dhibaatooyinka Dumarka haysta waxa ka mid ah, Tacadiyada Loo geysto oo aan sharciga la waafajin oo lagu dhameeyo Saldhigyada dibeddooda..” ayay tidhi Kornayl Nasteexo Cismaan.

Shirkaasi markii uu soo dhamaaday waxa laga soo saaray Baaq u qornaa sidan: “Maanta oo ay taariikhdu tahay, 7dii Diiseembar, 2022, qaybaha kala duwan ee haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kala yimid, Xisbiyada Qaranka, Ururada Siyaasadda, Ururaada Rayidka ah, Xukuumadda, iyo Haweenka aqoon yahanka ah ayaa shir ku yeeshay magaalada Hargeisa.

Haweenwaynaha JSL waxay aad uga walaacsan yihiin in muddadan danbe ay aad usii kordhaysay tacadiyada ka dhanka haweenka nooc kasta oo ay tahay, loona baahan yahay in gacmaha laysu qabsado sidii loo cidhib tiri lahaa tacadiyadaas.

Haweenwaynaha JSL waxa ay dareen san yihiin xaaladda dhaqaale ee dalka oo cidhiidhi gashay inay culays wayn iyo masuuliyado dheeraada saartay haweenka JSL, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in ilo dhaqaale iyo shaqo abuur loo sameeyo haweenka danyarta ah, khaasatan kuwa ku nool barakacayaasha.

Haweenka JSL waxa ay aad uga xun yihiin in aanay metelaad ku lahayn haba yaraatee waaxda sharci dejinta (Wakiillada iyo Guurtida), taasina ay ka hor imanayo dastuurka JSL, isla markaana ay dhaawacayso dimu-quraadiyadda curdinka ah ee JSL.

Sidaa darteed:

Haween waynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ugu baaqaayaan golayaasha baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ansixiyaan xeerar ka lagu xakamaynayo tacadiyada ka dhanka haweenka, sida xeerkii Kufsiga.

Sidoo kale, waxa aanu ugu baaqaynaa xukuummadda inay furto sanduuq dhaqaale abuur oo loogu talo galay haweenka danyarta ah.

Ugu danbayn, waxa loogu baaqayaa haweenka JSL in ay gacmaha is qabsadaan, cududdoodana mideeyaan si ay uga midho dhaliyaan dedaaladda loogu jiro horumarinta xuquuqda haweenka iyo xaaladdooda nololeed ba.”

 

Author: Ismail

Leave a Reply