Dalladda NAGAAD ayaa qabatay munaasibad lagu xusayey maalinta haweenka aduunka ee 8da marach. Munaasibadan ayaa intii ay socotay diradda lagu saaray xaaladda guud ee haweenka Soomaaliland, iyada oo lagu qabtay Dooda Filaaqaynta,’DIGITALL: Hal-Abuurnimo Iyo Teknoloji Loogu Talagalay Sinnaanta Jinsiga’.
Sida oo kale waxaa halkaa lagu daawadayFilimo ka hadlaaya. Women’s Situation Room Somaliland
Xarunta la socodka tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka
GBV Call Center ka, iyo Hibo Nuura oo ah gabadh dayar oo si taburaca wax u barta islaamaha hooyooyinka ku ganacsadda Suuqa Khudradda ee Waaheen
Khadra Cumar Xasan Gudoomiye ku xigeenka Dalladda Nagaad ayaa daahfurtay munaasibadani.
Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay xubno isugu jiray garyaqaano,dhaqqaale yahan, macalimiin iyo asaasayaal xarumo kaladuwan oo dhamaantood ba ahaa haween iyagoo dood ka yeeshay arimo la xidhiidha doorka ay haweenku kuleeyihiin dhanka tiknolojiyadda iyo hal-abuurnimada