+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Nagaad Network
  • No Comments

NAGAAD Network Oo Labadii Kooxood Ee U Saftay Koobkii Kubadda Cagta Ee Hablaha Abaal-Marino Siisay

Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD ayaa qabatay Munaasibad balaadhan oo abaal-marino lagu gudoonsiinayey labadii kooxood ee u saftay koobka kubadda cagta ee Hablaha oo sanadkan lagu qabtay Soomaaliland, labadan kooxood oo mid ka mid ahi qaaday koobka, waxaana loogu magac daray kulankan “Taageerada iyo, Dhiiri-gelinta  hablaha iyo Haweenku sidii ay uga Qayb Qaadan Lahaayeen  Ciyaaraha Kubadda ”.

Labadan kooxood ee haweenka ah ayaa ciyaartan kubada cagtu ku dhex martay Garoonka weyan ee magaaladda Hargaysa dabayaaqadii sanadkii hore ee 2022 maalmihii lagu jiray 16 Day Activate oo sanad walba wakhtigaasi oo kale lagula dagaalamo tacadiyaadka ka dhanka ah haweenka, Ciyaartan oo lagu Xusaayey , Maalmaha la dagaalanka tacadiyaadka ka dhanka ah  haweenka ee 16 Activity

Ciyaarahaas oo ay qabanqaabisay Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD oo Taageero ka helaysay Hay’adda SIHA Network, sidoo kale waxay taageero ka gaysatay SIHA munaasibadan abaal-marinta labadan kooxood .

Author: Nagaad Network

Leave a Reply