+252 2 527163
info@nagaadnetwork.org
Badda Cas Area, Jigjiga Yar, Hargeisa, Somaliland
  • Ismail
  • No Comments

“Hambalyo Ayan U Dirayna Xildhiban Aamina Waxayna Inoo Furtay Albaab Inaga Xidhnaa 81 Waxay Ku Noqonaysa 82”

Dallada Isku Xidhkaa Haweenka ee NAGAAD ayaa Munaasibad isagujirta soo dhaweyn iyo Hambayo ku qaabishay Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Golaha Wakiiladda Soomaaliland.
Munaasibadan oo ka dhacday Magaaladda Hargaysa Gaar ahaan Hotel Maansoor ayaa wax aka soo qaybgalay Wasiirka Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri X Ismaaciil Baandare, Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid, Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse, Masuuliyiin ka socda Xisbiyada Qaranka ee Kulmiye, UCID, iyo Wadani, Xildhibaanad ka trsanayd Golahii Wakaliilad ee Hore, Xubno ka socda Ururada Maxliga ah, iyo sidoo kale Xubno sare oo Haween ah oo matalaayey Urur Siyaasadeedyada kale ee soo baxaay, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo marti sharaf kale.
Masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo taageero ay la garab taaganyihiin Xildhibaanada ku biirtay golaha Wakiiladda Soomaaliland u muujiyey, sidoo kalena tilmaamay doorka ay haweenka ku dhex leedahay Dallada isku xidhka Haweenka ee NAGAAD, ku tilmaamay mid wax ku ool ah oo tiir dhexaad u ah Haweenka, goobtaasi waxa Iyana lagu soo dhaweeyay, laguna Hambalyeey Guuddoomiyaha Urur Siyaasdeedka Ogaal Rooda Cabdi Muuse oo ah Ururka kali ah ee Haween ah ku jira 10 Urur Siyaasadeed ee dhawaan doorashada ku soo baxay.
https://www.youtube.com/watch?v=v2msW30fqqM&t=8s
Author: Ismail

Leave a Reply