Haya’addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ayaa lacag ay iska ururiyeen oo ay kaga qayb qaadanayaan taakuladda Dabkii Saamiiyey Suuqa Waaheen ee Dadka halkaa ku ganacsan jiray ku hanti beeleen saaka ku wareejiyey Guudiga Taakuladda Suuqaasi, Lacagtan oo noqonysa qaybtii 1aad waxaa gudoomay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani Guddoomiyaha Guddiga Taakulaynta Suuqa Waaheen, lacagtan ayaa dhamayd Nus Milayn Doolar $ 500,000.