Madaxa Iskaashiga Horumarinta ee Safaaradda Sweden (Head of Development Co-operation for Somalia at Embassy of Sweden) Petra Smitmanis Dry iyo Xaliimo Cali Aadan oo ah madaxa barnaamijka ayaa booqasho ku yimi Xarunta Dhexe Dallada Isku Xidhka Haweenka ee NAGAAD Network Hargaysa Soomaliland, Masuuliyiinta Dalladaasi oo ay halkaasi kulamo ku yeesheen ayaa waxa ay ka waraysatay Xaaladda guud ee Haweenka iyo mashaariicda horumarineed ay dawladoodu ugu deeqdo Somaliland, sidoo kale waxa ay halkaasi kulan kula yeeshen Garabyada Haweenka u metala Xisbiyada Siyaasadda iyo qaar ka mid Haweenkee u tartamay doorashooyinkii dhawaan Dalka ka dhacay oo ay ka xog-waraysteen halka ay marayaan arimaha siyaasda Haweenka ee Dalku, ugu danbayn Masuuliyiintan ka socday safaarada waxa ay balan qaaden, inay siiwadayaan taageerada ay siiyaan haweenka